‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Sii wadashada waxbarashada

Dhallinyarada qaarkood waxay ogsoon yihiin qaabka mustaqbalka ay u heli doonaan dhaqaalaha nolol-maalmeedkooda, waxay ku dadalayaan sidii hadafkaas ay ku gaari lahaayeen. Laakiin waxaa aad caadi u ah in qorshayaasha mustaqbalka ay goor dambe soo iftiimaan. Inta lagu gudajiro waxbarashada dugsiga sare waxay dhallinyarada aad ugu fekeraaan jihada ay u dhaqaaqi lahayeen markii waxbarashada dugsiga sare ay ka qalin-jebiyaan. Waxa jira xulashooyin badan oo kala duwan oo mudan in laga fekero hadba kartida iyo waxa ardayga u xiseeyo.  

Ardayda codsan karaan in waxbarashada ay ku si wataan jaamacad ama kulliyad, waa in ay ka soo qalin-jebiyeen dugsi sare ama dugsiyada xirfadaha. 

Kulliyadaha/jaamacadaha xirfadaha (AMK): barta internetka ammattikorkeakouluun.fi waxaa laga helaa warbxin xiriir la leh fursadaha heerka qalin-jebinta iyo warbixin ka ku saabsan shahaadooyinka shaqooyinka lagu heli karo. Warbixin ka ku saabsan waxbarashada AMK waxaa sidoo kale laga heli karaa barta internetka opintopolku.fi.  

Ka qalin-jebinta Jaamacadda Aqoonta sayniska lagu dabaqay (YAMK): Shahaadada ka qalin-jebinta AMK waxay ku siinayaa isla xaq-u-yeelasho ka shaqaysashada xafiisyada dadweynaha sidii adigoo jaamacad ka haysto shahaadada mastarka. Shahaadada YAMK waxaad codsan kartaa kadib markii aad ka qalin-jebiso AMK oona dhawr sano khibrad shaqo leedahay. Warbixin dheeraad oo ku saabsan shahaadooyinka YAMK iyo shuruudaha waxaa ka heleysaa boggaga internetka ee jaamacadaha Aqoonta sayniska lagu dabaqay ee kala duwan. 

Jaamacad: Barta internetka opintopolku.fi waxaad ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan jaamacadaha iyo waxyaalaha laga barto.