‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Waqtiga firaaqada

Dhallinyarada waxay u baahan yihiin waqtigooda, taas oo aan ahayn hawlo dibedda loo hago, oo inta lagu gudajiro aysan jirin wax mas’uuliyado ah oo la fulin karo. Tani waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, la baashaalka asxaabta ama saaxiibbada booqashada. Waxa kale oo jira hawl-fududayno badan oo loogu talagalay dhallinyarada ku nool dalka Finland,  halkaas oo ay ku sugan yihiin dad waaweyn oo tababaran oo lagu kalsoonaan karo. Kuwaas waxaa ka mid ah xarumaha dhallinyarada iyo maktabadaha ku yaalaan degmooyinka iyo magaalooyinka. Ururo badan ayaa sidoo kale leh makhaayado kala duwan iyo goobo kulan oo loogu talagalay dhallinyarada,  meelaha qaarna waxaa loogu talagalay gabdhaha kaliya ama wiilasha oo keliya. Shaqaalaha dhallinyarada sidoo kale kolba booqdaa goob iyagoo u wareegaya meelaha ay dhallinyarda waqtigooda ku qaataan. Tan waxaa sii dheer, shaqada dhallinyarada ayaa sidoo kale lagu sameeyaa khadka online. Waalidiinta had iyo jeer waa la soo dhaweynayaa inay ogaadaan shaqaalaha dhallinyarada iyo dhaqdhaqaaqyada loogu talagalay dhallinyarada .

Waxaad ka heli kartaa warbixin kooban oo ku saabsan shaqada dhallinyarada barta internetka Lastensuojelu.info luqadaha sida af-soomaali iyo af-carabi.  

Loisto Setlementti ry waxay isku dubaridaa shabakad shaqo dhalinyaro bulsho oo xasaasi u ah jinsiga, waxayna soo uruurisaa xog boggeeda internetka ah oo ku saabsan hay’adaha fuliya dhaqdhaqaaqyada loogu talagalay gabdhaha ama wiilasha. Waxaa laga yaabaa inay tusaale ahaan jirto xarun gabdhaha ah oo ku taalo magaaladaada.