‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Uur-qaadista iyo ummulidda 

Muddada uur-qaadista waa muddo xiiso, rajo iyo farxad leh, laakiin mararka qaarkood waxay sidoo kale keentaa cabsi iyo hubanti la’aan. Uurleyda waa in ay la xiriirta rugta hooyooyinka, kuna wargelisaa dhammaan wixii ay ka walwalsan tahay. Sababtoo ah waxay heli karaa caawinaad ku habboon dhibaatadeeda.  

Kanaalaha YouTube-ka ee mashruuca Niitty waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo luuqado badan ku duuban, oo loogu talagalay qoysaska soogalootiga ah ee ku saabsan maaddooyinka sida tababarka ummulidda, cabsida ummulidda, naasnuujinta, ka soo kabashada ummulidda, xannaanada iyo jimicsiga xilliga uur-qaaista iyo kaddib ba iyo daryeelka dhallaanka.  

Xanuunka uur-qaadista waa xanuun aan wanaagsanayn oo dumar badan ay nasiib darro la ildaran yihiin. Si kastaba ha ahaatee, badanaa waxay ciribtirmaan marxaladda koowaad ee uur-qaadista kaddib. Haddii qofka uu la dhibban yahay Hyperemesis gravidarum, wuxuu dareemayaa lallabbo iyo matag aad u xooggan oo dhacda xilliga uur-qaadista. Dumarka qaba hyperemesis gravidarum badidooda waa in isbitaal la seexiyaa fuuq-celinta darteed. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan mawduuca waxaa laga akhrisan karaa bogga internetka ee Isbahaysiga dalka Finland ee Ururka Hypermesis Finnish (Hypermeesi ry).  

Warbixin ku saabsan naasnuujinta waxa lagu akhrisan karaa luqado badan, barta internetka ee Isbahaysiga dalka Finland ee taageeraada naasnuujinta (Imetyksen tuki ry). Isku-xiraha bogga

Haddii lagugu sameeyay gudniinka Fircooniga ah, fadlan u sheeg kalkaalisada caafimaadka sida ugu dhaqsaha badan. Qalliinka furitaanka waa suurtagal iyo sidii looga hortago dhibaatooyinka waxaa fiican in lagu dhaqaaqo ummulidda kahor. Mashruuca Amal ry iyo mashruuca VIGOR waxay soo saareen qoraallo ku saabsan qalliinka furitaanka xubinta iyo dib u hagaajinta xubinta taranka.