‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Faya-qabka maskaxda 

Waxaan halkan ka hadli doonaa faya-qabka maskaxda iyo caqabadaha hortaagan: caafimaadka maskaxda. 

Bini’aadmika waa wax isdhexgalsan. Maskaxda bini’aadamku waa qayb ka mid ah samaqabka – waxaan ka hadli karnaa caafimaadka maskaxda. Qaybaha ladnaanta qofka waa maskaxda, jirka iyo ruuxa waxana saamayn ku yeesha dhawr qodob sida arrimaha deegaanka. Markii maanka qofka u caafimaad qabo inta badan hab fudud ayuu nolol-maalmeedkiisa u maarayn karaa. Wuxuu ku dhaqaaqi karaa in u qabsado wuxuuna dareemayaa rajo wanaagsan. Si fudud ayuu qofku badi ahaan u fekeri karaa. Sidoo kale si sahlan ayuu go`aano u gaari karaa ma xal ugu heli karaa arrimaha adag. Wuxuu dareemayaa in nolosha ay dheellitiran tahay, wuxuuna si fudud u xakamayn karaa dareenadiisa. Waxaa la aamminsan yahay in khibrad kasta oo wanaagsan iyo mid xunba ay leedahay ujeeddo. Mustaqbalka wuu iftiimayaa. Khibradihii xannuunka badna ee la soo maray ma keenaan culays badan. 

Qof walba wuxuu wajihi karaa xaalado adag. Dhacdooyin ama khibradaha nolosha waxay saamayn ku yeelan karaan ladnaanta maskaxeed ama sababi karaan daal badan. Waa muhiim in la ogaado sida loo daryeelo maskaxda. Fayo-qabka maskaxda waxaa ka mid ah, tusaale ahaan in qofku u kala xulan karo nooca fekerka oo uu si toosan oo dhab ah wax u eego, kartida uu ku maarayn karo dareenada, xad ugu yeelo iyo mahadnaq. 

Fikradaha waxay noqon karaan kuwa jahawareer iyo mugdi ku jiraan. Go’aan qaadashada ama xallinta mashaakilaadka way adag tahay. Mustaqbalka cabsi-gelin ayuu leeyahay. Khibradahii nolosha waxay noqon karaan kuwa adag waxayna culays saari karaan nolol maalmeedka. Xiriiryada aadanaha waxay yeelan karaan caqabado. Waxaa laga yaaba in qofku u dareemo xanaaq, murugo ama cabsi mana fududa in si sahlan qofku ula dagaalamo dareenada xun. 

Kartida qofka mar kasta kuma filna. Haddii ay sidaas tahay, waa in qofku u raadsado qof xirfadle ah oo ka caawino sidii u heli lahaa agab iyo qalab uu wax uga qabto dhibaatooyinka. Caawinaadda xirfadlaha ama qofka lagu kalsoon yahay, waxay suurtagelin doontaa in qofku uu si dhaqsi ah horey u sii socdo haddii la barbardhigo caawinaad la`aanta. Tan kale, caawinaadda xirfadlaha ama qofka lagu kalsoon yahay waa muhim, maadaama qofka ay siin doonaan waqtigooda iyo taageeradooda iyada oo aan wax rajo ah ama xukun ah la helin. Mararka qaarkood xaalad adag waxay sidoo kale culays saartaa lammaanaha ama dadka kale u dhow, iyaguna ma awoodaan inay u caawiyaan sidii laga rabay. 

Inkasta oo caqabadaha fayo-qabka maskaxdu ay u ekaan karaan kuwo cabsi leh. Haddana xaalad adag iyo culays macnaheedu ma ahan in qofku daciif yahay ama u xannuunsan yahay. Caqabadaha iyo rafaadka waa qayb nolosha ka mid ah. 

Xitaa qofka muslimka ah iyo kan diinta ku dhaqma, wuxuu dareemi karaa niyadjab, walaac, xanaaq, murug ama quus. Dareenada maskaxda ee noocaas ah macnaheeda ma ahan in qofku u yahay muslim aan wanaagsanayn. Fayo-qabida nafta way ka duwan tahay fayo-qabida maskaxda. Xataa nebiyadii iyo dadkii hore waxay dareemi jireen murug, xanaaq, walaac iyo xitaa niyadjab. Qof kastaa waxa uu la kulmaa caqabadihiisa, taasina kama ay dhigin qof xun. 

Waxaa jira xiriir ka dhexeeya fayowqabidda maskaxda qofka, nafta iyo jirka iyo fayowqabidda deegaanka xaalad kasta waxay taageertaa xaaladda kale. Marka maskaxdu ay murugsan tahay wuxuu qofku dareemayaa daal ama xannuun. Haddii jirka u xanuunsan yahay qofka kuma dhaqaaqi karo hawlo kobciya ama sare u qaada kartida. Mararka qaarkood qofku wuxuu dareema daal, kacsanaan ama xannuun. Haddii qofku u calaamadahas dareemo, waa in uu ka fekero haddii uu arrin ka walwalsan yahay iyo in kale. Ma laga yaaba in qofku uu in isla waxyaalaha adag u maalin kasta dhawr jeer ka fekero? Ma dhici kartaa in ay u sabab tahay xiriirka uu dad kale la leeyahay? Markaas kaddib wuxuu qofku ogaananayaa in farriinta jirkiisa ay tahay in ruuxiisa u baahan yahay daryeel. 

Waa muhiim in qofku u ka warqabo in caawinaad u heli karo haddii uu u baahdo. Ma jirto sabab uu qofku isku cidleeyo. Sidoo kale ma jirto sabab u qofku ka xishoodo in u caawinaad iyo taageero weyddiisto. Waa qodob la xiriiri xoog iyo geesinnimo. 

Fiidiyowga hoos kaaga muuqda waxaa laga daawan karaa warbixin ku saabsan caafimaadka maanka, waxa qofka uu ka qaban karo iya halka uu caawinaad iyo taageero kala xiriiri karo. Warbixin intaas ka badan, filimo iyo layliyo kala duwan ayaa af-soomaali iyo af-carabi laga heli karaa barta internetka Ururka Caafimaadka Maskaxda.