‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Wakhtiyada firaaqada 

Qofku muxuu samayn karaa wakhtiyada firaaqada? Maadaama ay jiraan fursado badan wuxuu qofku u baahan yahay in u helo dhaqdhaqaaqa u xiseeyo. Mar walbana ma ahan in qofku u wax sameeyo. Mararka qaarkood waxaaba fiican in qofku uu waxba samayn, oo ka soo kabsado kadeedka nolol maalmeedka. 

Jimicsigu wuxuu dad badan dareensiiyaa caafimaad wanaag, taasoo u roon jirka iyo maskaxdaba. Tusaale ahaan lugabaxsiga. Qofku wuxuu dhegaysan karaa buug maqal ah ama wuxuu la socon karaa fikradahiisa ama waxay isla wada socon karaa qof saaxiib ah. Meel kasta u qofku dalka Finland kaga sugan yahay kama foga miyiga. Waxaa cilmibaaris lagu xaqiijiyay in ku sugnaanshada bay`adda miyiga ay kaalin ka geeysato ka kabsashada diiqada/istareeska/karkabada. 

Dhaqdhaqaaqyada kale ee wakhtiyada firaaqada waxa ka mid ah, in la booqdo makhaayadaha, madxafyada, bandhig faneedka iyo tiyaatarada iyo maktabadaha. Tan kale qofku wax buu baran karaa wakhtiyada firaaqada. Tusaale ahaan, wuxuu baran karaa luqadaha, farsamada gacanta, fanka, cuntakarinta ama ciyaaraha oo laga baranayo kulliyadaha muwaadiniinta iyo kuwa shaqaalaha ku yaalaan dalka Finland oo dhan. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha waxbarasho ee kulliyadahan waxaad ka heli kartaa luqado badan bogga internetka kansalaisopistot.fi.  

muslim woman working with laptop