‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan 

Fal kasta oo ku salaysan xiriir horornimo/xoog-sheegasho laguma tirin karo xiriirka lammaanayaasha ka dhexeeya. Tan kale falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan badidooda waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin fal-dembiyeed. Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ma ahan oo keliya kuwa jirka. Waxay noqon karaan kuwa loola xiriirinayo maskaxda/nafsiga, dhaqaalaha, jinsiga, bulshada ama waxa qofka u aamminsan yahay ama sharafta qofka. Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee ka dhex dhaca waalidiinta wuxuu siyaabo badan u saameeya carruurta. Carruurta waa in ay helaan bay`ad ammaan leh oo ay ku barbaaraan, waxaana sidoo kale muhiim ah in ay helaan siyaabo kale oo ay ku xalliyaan khilaafka oo aan lug ku lahayn falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan. 

Tusaaleha falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee jirka: garaacid, tima-jiidin, ceejin, qabsasho iyo riixid. Tusaalaha falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee jirka badi ahaan caalaamado muuqda ma reebaan. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee maskaxda/dhimirka waxaa ka mid ah ku dhawaaqida magacyada, yasid iyo hanjabaad. Waxay u horseedi karaan cabsi iyo in qofka kale u mar kasta aan ku dhiirran in uu ra’yigiisa dhiibto. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee jinsiga la xiriira kama koobna oo keliya kufsiga ee wuxuu noqon karaaa ku dirqiska falalka galmada la xiriira iyo sidoo kale dhammaan noocyada falalka ku xadgudbida xorriyada isku taliska dhinaca jirka iyo iskutagga. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan dhaqaalaha, wuxuu xakameeyaa isticmaalka lacagta lammaanaha kale ama wuxuu fasax la’aan isticmaalaa lacagta lammaanaha. Waxaa kale oo laga yaabaa inuu kan kale ka hor istaago inuu lammaanaha shaqeeyo ama ka ilaaliyo inuu lacag haysto. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee bulshada, waxaa ka mid ah waxyaabo ay ka mid yihiin xakameynta dhaqdhaqaaqa xorta ah iyo xaddididda xiriirka dadka lammaanaha u jecel yahay (saaxiibada, qaraabada). Lammaanaha ayaa laga yaabaa inuu ku adkaysto in u goobjoogo meel kasta oo lammaanaha kale tago. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee diinta, wuxuu noqon karaa mid jireed iyo mid maskaxeedba. Waxaa dhici karto in lammaanaha uu lammaanahiisa ku qasbo in u tixgeliyo nidaam diinta xiriir la leh, ama in sababo la xiriira diinta uu xakameeyo ra’yiga kan kale. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee sharafta sabab loogu dhigo waxaa inta badan lala beegsadaa gabdhaha iyo haweenka. Waxay inta badan ka dhacdaa bulshooyinka ay sharafta qoyska oo dhan ama xitaa qabiilka oo dhan lagu qeexo hab-dhaqanka iyo akhlaaqda shakhsiga. Haddii qofku uu ku dhaqmo si ka soo horjeeda filashooyinka ama mala-awaalka, waxaa loo arkaa inay ceeb ku tahay qoyska oo dhan. Ujeeddadu waa in tan laga hortago iyadoo la xakameynayo laguna ciqaabayo. 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee wadajirka ah waxaa loola beegsada xubin beesha ka tirsam ama dhowr xubnood oo isku beel ah. Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan ee wadajirka ah wuxuu noqon karaa go’doomin iyo cadaadis, laakiin xitaa maskaxda, diinta, gacan ka hadal ama sharafta xiriir la leh. Xubnaha bulshada oo idil kuma kacaan isla falalkaan, laakiin ma cambaareeyaan mana ka hortagaan waxaana laga yaaba inay xitaa taageeraan. 

Caawinaad ayaa la heli karaa. Keligaa noqon. Dhinacyada caawinaad laga heli karo: 

Nettiturvakoti 

Kriisikeskus Monika 

Turvakoti Mona 

Sopu-työ 

DIDAR (SOAR

Rikosuhripäivystys 

Naisten Linja 

Nollalinja (SOAREN

Mannerheimin Lastensuojeluliiton Turvaverkko Helsinki 

Pääkaupungin turvakoti ry 

Monika-Naiset liitto ry