‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Kala tegidda iyo xilhaynta xannaanadda carruurta

Mararka qaarkood waxaa dhacda in xiriirka lammaanayaasha lagu guuldarraysto in xal loo helo, xaaladdaas mid ka mid ah ama labada dhinac ba waxay go’aansadaan inay roon tahay in la kala tago. Kala tegidda ma ahan arrin fudud. Waxay sababta dareeno kala duwan sida niyadjab, hubanti la’aan iyo xanaaq. Mararka qaarkood waxaa kaloo dhacda in dhinacyada aynan marna wada xiriiri karin. Waxaa suurtagal noqon karto in lammaanayaasha caqabadahaan laga caawiyo, sida qodobka xiriirka la leh xilhaynta xannaanadda carruurta. Barta internetka InfoFinlandi.Fi waxaad ka akhrisan kartaa warbixin aan qabyo ahayn oo ku saabsan arrimaha furniinka ee dallka Finland oo ku qoran luqada sida af-soomaali iyo af-carabi.  

Kala tegidda waalidiinta waxay kaloo saamayn ku yeelataa carruurta. Xitaa haddii xaaladda ay ku adag tahay waalidiinta iyo xitaa haddii ay jiraan arrimo aan la xallin iyo dareen xun oo ka dhexeeya waalidiinta. Iyadoo sidaasi ay tahay haddana waa in labada waalid ay maskaxda ku hayaan waxa ilmahooda maslaxad u ah. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin kalgacalka labada waalid. Tan kale waa in marna lagu qasbin in hal dhinac ay la saftaan. Waalidiinta waxaa waajib ku ah in ay ilaaliyaan xuquuqda carruurtooda. Barta internetka lastensuojelu.info waxaad ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan furniinka qoysaska carruurta leh oo ku qoran luqado kala duwan, oo ay ka mid yihiin af-soomaali iyo af-carabi.

Bishii Maarso 2022 wuxuu Isbahaysiga Ururrada Soomaalida ee dalka Finland hirgeliyay, mashruuca saddexda sano ah ee la magacbaxay Somaliperheen sujuva arki avioeron jälkeen (Nolol-maalmeedka wanaagsan ee qoysaska soomaaliyeed ee furniinka kaddib, SAVIOR). 

Kanaalka YouTube ee Ururka Barwaaqasooranka Carruurta ee Mannerheim, wuxuu soo saaray Fiidiyoowyaal taxane ah ku saabsan furriinka qoysaska carruurta leh. Taxanaha fiidiyoowga waxa lagu heli karaa luqado badan oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin af-finish, af-ingriisi, af-carabi iyo af-soomaali.