‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Xannaanada carruurta ee wanaagsan 

Xannaanada carruurta ee wanaagsan waxay bilaabataa markii ay aad u yar yihiin. Taasi macnaheedu ma ahan in ilmaha aynu lahayn xad ama in wax walba loo oggol yahay. Barbaarinta wanaagsan macnaheedu waxaa weeyaan in ilmaha si naxariis leh, la dhegaysto lana fahmo iyo in la aqoonsado oo la xoojiyo kartida cunugga. Dareenada ilmaha ereyo ayaa lagu muujiyaa waxayna ilmaha bartaan in ay is dejiyaan. Waxyaabaha wanaagsan waa in la iftiimiyaa, la dhiirrigeliyaa laguna mahadiyaa. Mararka qaarkood dareenada ayaa ka soo burqada labada dhinac, xaaladdaas waa in lays cafiyo iyadoo isla markaana xad u yeelidda ilmaha waxba laga beddelin.  

Xiriirka amniga ku salaysan ee waalidka wuxuu muhiim u yahay korriinka ilmaha. Xiriirka adag iyo isku xirnaanshada iyo isdhexgalka ka dhexeeya ilmaha iyo waalidiintooda, waxay gaashan u yihiin ilmaha, waxayna saamayn ku yeeshaan xiriir-wanaagga mustaqbalka dambe. Ilmaha waa in ixtiraam loo muujiyaa dhinaca maskaxda iyo jirkaba: Waa in marna loo geysan falal horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan, kaalin laga geysto falal kobcin karo shaqsiyeed u gaar ah. Ka fikiridda mustaqbilka waxay sidoo kale muhiim u tahay barbaarinta wanaagsan ee ilmaha. Waxaad imminkaba  

ka fikiri kartaa sidii aad uga bixi lahayd xaalad adag. Sidee baa ilmahaaga ugu caawini lahayd in ay ka gudbaan xaalad adag?  

Kartida dareenada waalidka waa muhim, taasoo xitaa ilmaha ka faa`iidaysan karaan. Kartida dareenada waa wax tababar lagu samayn karo oona lagu dhaqmi karo. Tusaale ahaan, waxaad warqad ku sawiri kartaa dulucdaada kaddibna calaamadeeyey halka aad wax ka dareemayso, ama dareenka midab u yeel. Ma jiraa wax dareen ah oo keena falcelin xooggan oo aan macquul ahayn? Waa maxay sababta? Ma la joojin karaa falcelinta dareenada? Waxaa laga yaabaa inaad toban neefsasho qoto dheer qaadan karto, bilowgii ku noqo oo si fiican uga falceli? Xusuusnow inaad naftaada u naxariisato. Qof kasta wuu qaldami karaa; qof boqolkiiba boqol qumman ma jiro, laakiin mar walba waad baran kartaa oo wax badan ayaad hagaajin kartaa.