‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Hagardaamo 

Hagardaamo lagu hayo baraha bulshada  

Hagardaamo lagu hayo baraha bulshada waa wax maalmahan laga xumaado. Sida hadba laga soo xigsaday cilmibaarisyada arrimaha caafimaadka ardayda, waxay natiijada noqotay in ku dhawaad ​​kala bar gabdhaha da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 19 sano ay falalkaas la kulmeen. Wiilasha iyo carruurta ee dugsiga hoose dhigta waxay sidoo kale la kulmaan dhibaatayn. Falalka waxay noqon karaan faafinta xanta, magac-sheegid, faafinta been-abuurid, in qof da`yar/dhallinyaro loo diro sawiro qaawanaan ka muuqdaan ama in qof da`yar/dhallinyaro ah la weyddiiyo sawiro qaawanaan xiriir la leh. Dhibaataynta waxay kaloo xiriir la yeelan kartaa fal-dembiyeed waxaana dhici karto in falaha la dacweeyo. 

Baraha bulshada ma ahan in dhallinyarada laga mamnuuco, laakiin waxaa wanaagsan in si wadajir ah loo tixgeliyo nidaamyada u degsan. Baro sida ugu dhaqsaha badan inaad si badbaado leh u isticmaasho warbaahinta bulshada. Waa muhiim in carruurta iyo dhallinyarada ka warqabaan in dhacdooyinka xun ay ku wargelin karaan qof weyn.  

Sawirada hoose waxaa laga soo xigsaday mashruuca Sua varten Somessa (Adiga oo isticmaala baraha bulshada) mashruuca Loisto Setlementti iyo Nicehearts ry. Warbixin dheeraad ah iyo agab ka akhriso (af-finnish): https://suavartensomessa.fi

Sawirka 1:aad Tiro badan oo da’da yar oo lagu dhibaataynayo ama loogu cagajugleynayo baraha bulshada. Immisa jeer ayaad qofka da`yar weyddiisay waxa uu ka sameeyo baraha bulshada? 

Sawirka 2:aad Falalka dhibaataynta ee ka dhaca baraha bulshada waxay ka daran yihiin kuwa fool ka foolka ah. Weligaa ha isku dayin inaad qof dhallinyaro ah aad ku tiraahdo “waxa ay ka dhacday oo keliya baraha bulshada”. 

Sawirka 3:aad Hagardaamada xiriirka la leh arrimaha jinsiga ee ka dhacda baraha bulshada inta badan waa fal-dembiyeed. Ilmahaaga ama qofka da’da yar ee aad taqaan ma ka warqabaa in qofna u dirin sawirro qaawanaan? Ama haddii qof u kala soo xiriiro arrimaha jinsiga xiriir la leh, waayo labadaba waa khalad waana inta badan dembi? 

Sawirka 4:aad Xirfadyaqaanada iyo dadka waawayn: La garab istaag qofka dhallinyarada ah. Sidoo kale baraha bulshada. 

Sawirka 5:aad Marna eed ma leh qofka da`da yar ee falalka hagardaamada loo geystay. 

Sawirka 6:aad Caawinaad iyo taageerada xiriirka la leh dhacdooyinka hagardaamada: Instagram & TikTok: @suavarten_official, Snapchat: @suavarten_tiimi