‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan oo dumarka ku kacaan 

Xitaa dumarka way ku kacaan falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan. Dhibbanaha wuxuu noqon karaa lammaanaha naagta, carruurta ama naagta laf-ahaanteeda. Falalka waxaa kamid ah gacan ka hadal, jiidista timaha ilmaha, riixidda lammaanaha ama is-dhaawac. Falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan wuxuu kaloo noqon karaa maskax sida cagajuglaynta, hanjabaad, daba-galka muddada-dheer ama in la xaqiro oo la yaso. 

In laga hadlo tacadiyada ay geystaan dumarka inta badan waa wax aan laga hadlin. Tan kale falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan oo dumarka ku kacaan si sax looma aqoonsado. Si kastaba ha ahaatee, ka hadalka falalka waa lama huraan si loo farageliyo qaababka habdhaqanka iyo in la helo caawimo lagu beddelo. 

Warbixin loogu talagalay dumarka falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan adeegsada ama ka walwalsan in ay ku kacaan: 

https://naisenvakivalta.fi/

https://www.mariaakatemia.fi/