‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Arrimaha jinsiga xirii la leh  

Arrimaha jinsiga xirii la leh waxay u badan yihiin inay ka mid yihiin arrimaha ugu adag ee waalidiinta ay kala hadlaan qof dhalinyaro ah. Si kastaba ha noqotee, waa mid aad muhiim u ah. Arrimaha jinsiga xirii la leh waa arrimo waxyaabo kala duwan ku saabsan, waana wax fiican in laga warqabo arrintaan markii laga fekero sida arrinta loogala hadlo qof dhalinyaro ah. Arrintan ayaa sidoo kale laga fiirsan karaa markii loo eego aragtida xogta aad u baahan lahayd markii aad yarayd. Waxaa mudan in lala doodo qofka dhallinyarada ah arrimaha ku saabsan haybadooda iyo xaddidooda iyo xushmeynta, laakiin sidoo kale ixtiraam u muujinta ka qiyamka iyo xad u yeelista dadka kale.  

Koorso u soo saaray Isbahaysiga Qoysaska ee Dalka Finland (Väestöliitto), Tetoa seksuaalisuudesta suomea opiskeleville (Warbixin ku saabsan arrimaha jinsiga xirii la leh ee loogu talagalay dadka barta af-af-finnish ka), waxay bixisaa xog ku saabsan arrimaha sida xuquuqda arrimaha jinsiga xirii la leh, waxa arrimaha jinsiga xirii la leh loola jeedo iyo sababta ay muhiim u tahay in laga ogaad oo arrimaha jinsiga xirii la leh. Si fudud ayaa mawduuca kala hadli kartaa qofka da`da yar, haddii aad hesho xog ku filan oo aad ogaato ereyada iyo macnahooda.  

Isbahaysiga Qoysaska ee Dalka Finland wuxuu sidoo kale soo saaray fiidiyoow ku saabsan arrimaha jinsiga xiriirka la leh oo loogu talagalay dadka dalka Finland u soo guuray. Fiidiyoowgu waxaa lagu daawan karaa luqado badan oo kala duwan.  

Fiidiyoowga, waxaad ku maqli kartaa af-ingiriisi 0:00, af-finnish laga bilaabo 04:17, af-kurdi sorani laga bilaabo 07:44, af-farsi laga bilaabo 12:03, af-carabi iyo lahjad af-carabi ah laga bilaabo 16:10 iyo af-soomaali laga bilaabo 20:17 ee ku saabsan xuquuqda arrimaha jinsiga xirii la leh iyo hab kalsooni ku salaysan oo loo maro arrimaha jinsiga xirii la leh ee lamaanaha loola yeesho.