‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Ifafaalaha nolosha dhallinyarada

Xilliga qaangaarnimada wuxuu qofka da`yarka ahi si tartiib tartiib isku roga qof madaxbannaan oo baadigooba aqoonsigiisa. Muddadan waxaa soo ifbaxa qaabka xiriirka dhallinyarada iyo waalidiintooda, waxaana tani mararka qaarkood keentaa xaalado iskahorimaad. Maxay tahay in waalidku ka ogaado ifafaalaha la xiriira nolosha dadka da’da yar, sideena waalidku u taageeri karaa kobcinta qofka dhallinta yar ilaa uu ka qaangaaro?  

Waxaa habboon in qofka dhallinyarada ah lagala hadlo waxyaalo badan oo kala duwan. Waa muhiim in waalidiinta ay dhallinyarada la yeeshaan xiriir kalsooni ku salaysan, markaas waxaa dhici doonto in uu waalidka ugu sheekeeyo dhacdooyinka aan fiicnayn. Waa in dhallinyarada la siiyaa fursad ay si xasilan uga sheekeeyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen. U muuji inaad xiisanayso warbixintiisa. Dhegayso waxa uu leeyahay. Tan kale ixtiraam fikirkiisa u muuji xitaa haddii aynan waafaqsanayn kuwaaga.