‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Caqabadaha barbaarinta gaar ahaan waalidiinta muslimka ah 

Waalid ahaanshada iyo barbaarinta ilmaha waa arrin adag iyadoon loo eegin diintaada iyo asalkaaga.  

Waalidiinta qoys kasta waxay leeyihiin qaab barbaarin iyo waalidnimo oo kala duwan, taasoo lagu xakameeyo si u gaar ah. Iyadoo ay jiraan caqabadaha barbaarinta ayaa waalidiinta muslimka ah waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan tarbiyadda ubadkooda oo muslim ah. Iyadoo oo aan loo eegin meesha ay ku nool yihiin iyo qaabka waalidnimo ee iyaga ku habboon.  

Muslimiinta ku nool galbeedka ama waddamada muslimiinta laga tirada badan yahay, ayaa inta badan la kulma caqabado dhanka deegaanka ah. Warbaahinta iyo madadaalada, cadaadiska asxaabta iyo qaar ka mid ah caadooyinka bulshada reer galbeedka, sida cabbitaanka khamriga, ayaa inta badan waxay caqabad ku noqdaan qoysaska muslimiinta ah. In kasta oo barbaarinta carruurta dalalka muslimka ku nool ay u badan tahay ay u ekaan karto ammaan, haddana telefishanka, Internetka iyo baraha bulshada ayaa maalmahan meel walba yaal, sidaas awgeedna caqabadaha korinta ilmaha ee dalalka muslimka u badan ayaa marba markii ka dambaysa sii adkaanaya.  

Meel kasta oo aan joogno waxaa wanaagsan in la xasuusto, dhawr qodob oo caawini kara waalidiinta iyo dhaqdhaqaaqa qoyska, sidii carruurta loo siiyo fursad ay ku koraan oo ay horumar ku sameeyaan inkasta oo ay jiraan caqabado badan. 

1.Qoyska ka hirgeli jawi wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo.  

Carruurta isku kalsoon waa carruur faraxsan, sababtoo ah waxay barteen inay waalidiintooda kala xiriiraan waxa ay dareemayaan ama ay rabaan. Markii carruurtu koraan iyaga oo garanaya xadkooda, waxay kobcin karaan xirfadahooda bulshadeed. 

Carruurta faraxsan si fudud ayaa loo fahmayaa, sidoo kale si sahlan ayaa loola hadli karaa waxayna waalidiintooda wargeliyaan baahiyahooda iyo rabitaankooda. Carruurta faraxsan waxay sidoo kale heegan ugu yihiin inay waalidiintooda la wadaagaan waxa ay dareemayaan, waxayna mar kasta dib ugu soo noqdaan dadka oo aadka ugu jecel yihiin oo ah: waalidiintooda.  

Jacaylka ilmaha ee shuruud la’aan ah waa talaabada ugu horreysa. Carruurta dareema jacaylku waxay soo celiyaan naxariista ay helaan waxayna muujiyaan farxad. Jacaylka waxaa lagu muujin karaa siyaabo kala duwan, sida habsiinta, fiiragaar-siinta iyo in ilmaha loo muujiyo in xaaladdooda la tixgelinayo iyo in la dhiirrigeliyo kartidooda, la siiyo hagitaan iyadoo isla markii xad loo yeelo haddii loo baahdo. Qoysaska labada waalid carruurtooda la nool waa in labadoodaba ay si firfircoon uga qaybqaataan korinta carruurtooda. Tani waa hab wanaagsan oo waalidiinta iyo carruurtoodu ay si fiican isku baran karaan. Waxay ka caawisaa inay wada shaqeeyaan, taasoo qoyska ku abuurta dareen wada jir ah.  

2. Akhrinta qisooyinka iyo Qur’aanka  

In la akhriyo qisooyinka oo laga barto ayaa wanaagsan, si kasta oo aad wax u akhrin karto.  

Xitaa waalidiinta aan akhrinta Qur’aanka kariimka aqoon, waa in ay carruurtooda baraan inta ay ka garanayaan. Kuwa xitaa dhibaato kala kulma akhrinta kitaabka waa in ay isku dayaan.  

Tani macnaheedu ma ahan in waalidka uu aqoonkororsiga joojiyo, maadaama qoysasku ay si joogto ah u rabaan inay bartaan oona fahmaan farriinta Qur’aanka. Waayahaan dambe waxaa jira fursado badan oo kala duwan iyo siyaabo lagu barto, sida koorsooyinka online-ka ah iyo kuwa loo yaqaano outsourcing oo loogu talagalay waalidiinta.  

3. Dhegayso carruurtaada lana xiriir  

La hadalka iyo dhegaysashada carruurta waa furaha wada xiriirka. Carruurta iyo dhallinyarada waxay u baahan yihiin in la maqlo oo la fahmo si ay u dareemaan ammaan. Markii dhallinyarada ay ogaadaan in waalidkood dhegaystaan ​​iyaga oo aan xukumin, waxay sidoo kale dareemaan kalsooni ay ugu sheekeeyaan waalidiintooda markii ay dhibaatooyin la kulmaan. Markii la abuuro xiriir kalsooni oo noocaas ah waxay ku dhiirradaan inay su’aallo weyddiiyaan markii arrin aysan hubin, iyo markii ay la kulmaan dhibaatooyin. Waxay yaqaanaan sida loogu tiirsanaado waalidkood. Qoysas badan ayaa lumiyaa xiriirka ay la leeyihiin carruurtooda sababtoo ah waxay joojiyaan in ay la xiriiraan. Tan waxay sidoo kale saamayn ku yeelata taleefannada casriga ah iyo aaladaha kale ee noocaas ah. Waalidiin badan ayaa la hadla carruurtooda, laakiin waxay illoobaan inay dhegaystaan ​​markii ay u baahan yihiin hagitaan xagga go’aan qaadashada. Tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa carruurta, waxaana laga yaabaa inay u janjeeraan inay caawimaad ka raadsadaan qoyska dibeddiisa iyo dhallinyarada kale, taasoo u horseedi karta inay ku dhacaan waddo khaldan.  

Carruurta la dareen siiyo kalsooni ay ku muujiyaan dareenadooda sidoo kale ayay iyaguna ugu muujiyaan kalsooni markii ayay ku sugnayn guryahooda. Waxaa dhici karto in iskooda ay u gaaraan go’aamo wanaagsan, hor istaagaan caddaalad-darrada iyo sidoo kale si fiican u muujiyaan xitaa xaaladaha adag.  

4. Isku day inaad heshid hiwaayad wanaagsan ama saaxiib wanaagsan  

Yeelashada saaxiibbo wanaagsan waxay la mid tahay yeelashada qoys xubnahiisa isku duuban yihiin. Qodobkani wuxuu khuseyaa waalidiinta iyo carruurta labadaba. Helitaanka waalid isku fikir ah waxay ka caawisaa carruurta inay xoojiyaan iimaankooda iyo aqoonsigooda, maadaama ay u fududdahay dadka muslimiinta ah inay ilmaha, koriyaan haddii ay arkaan asxaabtooda oo si isku mid ah u koraya oo ay sahlan tahay in lala xiriiro. Lahaanshada saaxiibbada wanaagsan waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad kala saarto waxa la oggol yahay iyo falalka aan sax ahayn. Tani waxay ka caawisaa carruurta inay fahmaan xitaa haddii kuwa kale ay cabbaan khamriga ama aadaan meelaha lagu caweeyo, qasab ma aha in la yiraahdo waa wax fiican, sidoo kale waxaa loola baashaali karaa saaxiibbada wanaagsan ee tixgeliyaa waxyaabaha diinta Islaamka ay ogoshahay.  

Qofna uma noolan karo sida geedka oo kale. Taa beddelkeeda carruurtu waa inay la kulmaan waxyaabo kala duwan iyo bay`ado kala duwan. Wehelka wanaagsan ayaa aad muhiim u ah sababtoo ah wuxuu ka caawinayaa go’aannada saxda ah, ku dhaqaaqida falalka wanaagsan iyo sida looga hortago waxyaalaha aan wanaagsanayn.  

5. Had iyo jeer ducada xasuuso  

Ugu dambayn waxaa muhim oo mudan ah in la xasuusto in waadiinta ay isticmaalaan agabka barbaarinta ugu muhiimsan oo ah: ducada. Ducadu mar walba waa hanuunin iyo wanaag. Ducada waalidiinta aad bay u xoog badan tahay. Sidaas awgeedna ay muhiim u tahay in Allah laga baryo kaalinta korinta iyo hanuuninta ilmaha.  

In si daacad ah Ilaahay loo baryo waxay nagu hagaysa tubta toosan. Allah waxa uu Quranka ku yiri: I bari, anna waan ajiibayaa baryadaada. Waa maxay waddada ka wanaagsan ee waalidku ku heli karaan karti ay ku hagaan, koriyaan oo ku taageeraan ilmaha, markii awoodaan inay Allah weyddiistaan ​​hanuunin iyo ilaalin naxariistiisa. 

Naxariista Eebbe ayaa ka gudubta dhammaan xuduudaha, dhaqamada oo dhan, qaababka kala duwan ee barbaarinta, dalalka kala duwan iyo caqabadaha kala duwan ee daryeelka ilmaha. Waxa ugu muhiimsan waxaa weeyaan inaad Allah ku kalsoonaato waana tan kugu filan inshaAllah.