‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Adeegyada bulshada

Mararka qaarkood qoysku wuxuu u baahan in dhinaca adeegyada bulshada laga caawino. Tusaaleha caawinaadda qoyska u baahan karo waxaa ka mid noqon, talasiin ku saabsan arrimaha barbaarinta carruurta ama caawinaad wax ku ool ah oo xiriir la leh nolol-maalmeedka. Qoysku wuxuu sidoo kale heli karaa qof ama qoys ka taageero sida loo helo adeegyada bulshada.  

Barta internetka lastensuojelu.info waxaa laga akhrisan karaa xog urursan oo ku saabsan adeegyada bulshada. Warbixinta waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood oo kala duwan, tusaale ahaan af-soomaali iyo af-carabi.