‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Dugsiga xannaanadda

Dugsiga xannaanadda wax lacag ah lagama bixiyo, macnaha waa kuwa weli u bilaaban waajibka dugsi-dhigashada oo ah kuwa aan weli lix sano buuxsan. In ilmaha ay tagaaan goobaha dugsiga xannaanadda waa qasab. Macnaha waxaa weeyaan in ilmaha sharci ahaan ku qasban yihiin, in ay ka qaybgalaan ama la geeyo goobaha xannaanadda kahor inta ay dugsi-dhigashada bilaabin. Dhaqdhaqaaqyada xannaanadda waxaa lagu qabtaa goobaha xannaanadda iyo iskuullada. Waxbaridda hordhaca dugsi-dhigashada darteed waxaa la adeegsada waxbarid iyo ciyaar-carruureed ku habboon ilmaha yaryar iyo dhaqdhaqaaqyada carruurta yaryar ay xiiseeyaan. Ulajeeddada waxbaridda hordhaca dugsi-dhigashada laga leeyahay ayaa waxay tahay in la xoojiyo fursadaha waxbarashada iyo horumarinta ilamaha yaryar.