‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Hiwaayadaha la kormeero

Hawlaha hiwaayadaha waxaa loo hirgeliyay sidii looga hortago ka-saarista bulshada, sinnaan la’aanta iyo ku-xadgudubka maandooriyaha. Hiwaayad macno leh ayaa macno u leh nolosha, waxay bixisaa khibrado guul ah waxayna xoojineysaa isku-kalsoonaanta. Hiwaayadda ayaa sidoo kale taageerta dugsiga iyo xirfadaha nolosha shaqada maxaa yeelay waxay baraysaa waxyaabo ay ka mid yihiin xirfadaha isgaarsiinta, hanuuninta hadafka iyo adkaysiga.  

Mararka qaarkood hiwaayadda cunugga ayaa wax badan ka dalbanaya waalidiinta. Dhaqaalaha qoyska had iyo jeer kuma filna kharashyada hiwaayadda sida kubada cagta, taas oo u baahan karta waqti badan markii lagu daro ilaha dhaqaalaha, tusaale ahaan g:aad iid si loogu dhaqmo iyo ciyaaro.  

Waxa kale oo jira fursado hiwaayad oo marin hoose leh. Isku llada badankood, dhaqdhaqaaqyada hiwaayadda waxaa lagu abaabulaa galabnimadii dugsiga kadib. Waxaad weydiin kartaa macallinka cunuggaaga xog dheeraad ah oo ku saabsan fursadahaas. Galabnimadii, xarumo badan oo dhalinyaro ah ayaa sidoo kale ay maamulaan naadiyeyaal iyo ururo kala duwan, sida cunto karinta, farshaxanka iyo naadiyada isboortiga.  

Magaalada Helsinki,  Espoo iyo Vantaa waxay maareeyaan barta internetka harrastushaku.fi oo aad ka baadigoobi karto goobaha dhaqdhaqaaqyada hiwaayadda u dhow gurigaaga. Magaalada Helsinki gudaheeda, ardayda fasalka 3:aad ilaa 6:aad waxay ka qeybqaadan karaan dhaqdhaqaaqyada isboortiga fudud. Dhaqdhaqaaqyada waa lacag la`aan,  umana baahnid inaad si gooni gooni ah isku diiwaangeliso. Kuwa da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 17 sano, waxaa loogu talagalay isboortiga FunAction kaasoo laga helo magaalada Helsinki.