‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Wax-baridda ilmaha yaryar

Wax-baridda ilmaha yaryar waxaa loo qorsheeyay hab hadafka barbaarinta iyo xannaanadda ku jihaysan. Qorshaha wax-baridda ilmaha yaryar wuxuu islamarkii waalidiinta u suurtagelinayaa in ay shaqaystaan ama waxbartaan. Qorshaha wax-baridda ilmaha yaryar waxaa loogu talagalay carruurta da`dooda u dhaxayso 0-6 sano oo ku meelaysan goobaha xannaanadda, qoys-xannaanadeedka, dhaqdhaqaaqyada naadiyaasha iyo kuwa ciyaaraha.  

Barta internetka ee Isbahaysiga waalidiinta dalka Finland, waxaad ka heli kartaa hagid loogu talagalay waalidiinta oo ku saabsan wax-baridda ilmaha yaryar. Waxaa lagu heli karaa luqado badan oo kala duwan. Waxyaabaha hagaha lagu qeexayo waxaa kamid wax-baridda ilmaha yaryar iyo sida ubadkaaga ugu diyaarin karto in uu bilaabo xannaanadda, sida aad bilaabista ugu fududayn karto iyo nooca wadashaqaynta ka dhexayso waalidiinta iyo maamullada goobaha xannaanadda ee la heli karo.