‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Xuquuqda carruurta 

Heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa qeexaya waxa xuquuqda ay tahay – in qof kasta oo bini’aadam ah uu si siman bulshada ugu dhex noolan karo. Xuquuqdaan sidoo kale waxay khuseynaysaa carruurta. Xuquuqda Ilmaha waxaa sidoo kale lagu ilaaliyaa heshiis gaar ah oo ku saabsan xuquuqda ilmaha oo uu ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Heshiisku wuxuu sidoo kale ka hirgalay dalka Finland.  

Barta internetka Lastensuojelu.info waxaad ka akhrisan warbixin ku saabsan xuquuqda carruurta oo ku qoran luqado kala duwan sida af-finnish, af-finnishka fudud, af-soomaali iyo af-carabi

Mashruuca At Home in Finland waxa uu soo saaray fiidiyoow badan oo loogu talagalay dadka u soo guuray dalka Finland. Waa kuwan fiidiyoowga ku saabsan xuquuqda carruurta oo ah af-carabi iyo af-soomaali.