‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Afkaaga hooyo iyo dhaqankaaga

Kobcinta afka hooyo iyo dhaqanka waa muhiim. Luqadda iyo dhaqanka waa qayb ka mid ah aqoonsiga qofka, mana wanaagsana in afka hooyo iyo dhaqanka ba layska tuuro markii qofku u dal kale u guuro. Tan kale, waa qodob aad muhim u ah in carruurta dalka Finland ku dhalatay, inay bartaan wax alle wixii xiriir la leh asalkooda. Waalidiinta waxay carruutooda uga sheekayn karaan taariikh-nololedkooda, tusin karaan sawirro waxayna afkooda hooyo ugu akhri karaan sheekaxariir. Ciidaha iyo munaasabaadda waa in loo dabbaaldegaa xitaa markii dal cusub loo soo guuray.