‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Ku barbaarinta laba dhaqan dhexdood 

Ku barbaarinta laba dhaqan dhexdood waxay lahaan kartaa caqabado mana ahan arrin sahlan. Laakiin dhanka kale waxay ilmaha u noqon kartaa khibrad fiican. Carruurta iyo dhallinyarada waxay qoysaskooda kala kulmi karaan cadaadis dhinaca waxyaalaha laga filanayo, halka filashada bulshada ay ku dhex nool yihiin ay ka duwan tahay taasi. Haddii qoysaskooda ay taageero ka haystaan waxay dareemi karaan in dalka Finland ay muwadiniin ka yihiin oona caadaystaan dhaqamada dalka Finland? Miyay taageero ka helaan dadka agagaarkooda ku nool aqoonsigooda dartiisa?  

Marka laga hadlayo aqoonsiga carruurta iyo dhallinyarada, waxaa muhiim ah in la dareensiiyo dhinaca ay ka tirsan yihiin. Haddii lagu dareensiiyo inaad qof shisheeye tahay oona mar kasta lagu dareensiiyo inaadan bulshada ka tirsanayn, waxay natiijada noqon kartaa in ifafaale aan fiicnayn in ay ku xigto. Sida tusaale, in qofku uu ku dhaqaaqo fal-dembiyeed, ku biiro koox burcad, bilaabo in u maandooriye isticmaalo ama ku dhaqaaqo falal xagjirnimo ah.  

Majaajiliistaha Fathi Ahmed wuxuu barnaamij idaacadda kaga fallooday khibradda qofka laba dhaqamood dhexdooda ku nool: https://areena.yle.fi/podcastit/1-62771596  

Maqaal lagu soo bandhigay barta internetka maailma.net, waxay muwaadinta finnish-soomaali Amina Mohamed ka hadlaysaa aqoonsiga u dhexeeya laba dhaqan iyo sidii qofku uu la qabsan lahaa bulshada dalka Finland.  

Fiidiyoow uu Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka (THL), soo saaray, waxaa ka daawan kartaa dad ku koray laba dhaqamood, iyo sida ay waalidiinta ugu taageeri karaan carruurtooda (ereyada ku hoos qoran fiidiyoowga waxaa lagu soo tujumay af-finish, af-carabi iyo af-ingriisi):