‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Ku haboon shaqada iyo wakhtiga firaaqada

Dalka Finland waxaa labada waalidba lagu dhiirrigelinayaa inay waxbarasho ama shaqo helaan. Waalidku wuxuu shaqayn karaa wakhti buuxa ama nus wakhti. Waalidiin badan oo leh carruurta yaryar waxay jecel yihiin inay shaqeeyaan wakhti-dhiman si aysan nolol maalmeedkoodu u noqon mashquul. Si kastaba ha ahaatee shaqada waxaa loo arkaa inay muhiim u tahay aqoonsiga qofka. Dhaqaalaha qoyska ayaa sidoo kale si fiican isku dheellitirma marka labada waalid ay dakhli ka helaan shaqada.  

Barta internetka InfoFinland waxaa laga akhrisan karaa xog badan oo ku saabsan shaqada dalka Finland iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha, dhaqamada shaqada ee dalka Finland iyo canshuuraha. Warbixinta waxaa lagu heli karaa luqado badan oo kala duwan, tusaale ahaan af-soomaali iyo af-carabi. Barta internetka waxaa kaloo laga akhrisan karaa warbixin ku saabsan iswaafajinta nolosha qoyska iyo shaqada (af-soomaali, af-carabi).  

Xarunta isdhexgalka Monika of the Multicultural Women’s Association Finland (Monika-Naiset liitto ry) waxay haweenka u soo guuray dalka ka caawisa arrimaha isdhexgalka iyo shaqahelista.  

Mashruuca YMCA Helsinki Toiminnan avulla työelämään (TAT) waxaad ka heli kartaa caawinaad xiriir la leh qorista CV:ga iyo talo iyo taageero xiriir la leh arrimaha nolol maalmeedka. Mashruuca TAT wuxuu kaloo bixiyaa fursad aad kaga qaybqaadato kooxaha ku wada hadalka luqadda finnishka oo heerar kala duwan ah, dhaqdhaqaaqa isboortiga iyo makhaayadda haweenka iyo hooyoyinka. Ka qaybgelista dhammaan dhaqdhaqaaqyada waa lacag la’aan.  

Barta internetka ee mashruuca From Family Leave to Working Life (Perhevapaalta työelämään), waxaad ka akhirsan karaa warbixino aad u badan oo ku saabsan sida arrimaha shaqada iyo qoysaska laysugu xiro iyo koorsooyin. Barta Internetka waxa kale oo aad ka heleysaa Fiidiyoow ku saabsan mawduucyo kala duwan.