‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Cilladaha dareen-wadayaasha maskaxda

Maxaa loola jeedaa cilladaha dareen-wadayaasha maskaxda? Cilladaha dareen-wadayaasha maskaxda waxaa lagu muujin karaa siyaabo badan oo kala duwan. Ilmuhu wuxuu yeelan karaa dareen xasaasi ah; tusaale ahaan in dharka ay sitaan ay dhibsadaan kana dareemaan cuncun ama dhawaqyo oo dhegahooda dhaawacaan. Waxaa kaloo dhici karo in uu si fudud waxba u xoog saari karin oona muujiyo nasasho-darro. Xakamaynta dareenada in ay liidato waxaana laga yaabaa in uu muujiyo dagaal-jacayl. 

Haddii aad arrinta ka walwalsan tahay waa inaad si daacad ah u wargelisa kalkaalisada rugta caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka, shaqaalaha goobaha xannaanadda ama shaqaalaha iskuullada. Astaamaha mar kasta si fudud xubnaha qoyska kuma shaacbixin karaan, macnaha isla sida suurtagal ku noqon karto markii cunugga uu goobo kale ku sugan yahay. In cunugga uu helo caawinaad iyo taageero sax ah waxay dan ugu jirta cunugga iyo qoyskaba.  

Barta internetka lastensuojelu.info waxaa laga akhrisan karaa warbixin ku saabsan cilladaha dareen-wadayaasha maskaxda ku qoran luqadaha sida af-finish, af-soomaali iyo af-carabi.

Fiidiyoow ku saabsan cudurka ADHD oo ku qoran af-soomaali:  

How do I know if my child has ADHD

Masluumaad iyo fiidiyoow ku saabsan cudurka autism oo ku qoran af-ingriisi iyo af-soomaali waxaad ka heleysaa: https://arc-w.nihr.ac.uk/news/autism-in-the-somali-community-myth-busting-short-films-offer-advice-and-top-tips-for-parents/