‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Xad u yeel 

Ilmaha waxay u baahan yihiin in xad loo yeelo, waxaana waalidiinta waajib ku ah in ay dhaqangeliyaan xadadka oona tixgeliyaan. Xad u yeelista waa falal ilmaha lagu badbaadiyo, tan kale xadadka sida sax ah loogu dhaqmo dhibaato ilmaha uma keenaan. Ilmaha had iyo jeer keligiis ma qaadan karo go’aamo macquul ah, mana lagama filan karo. Si kastaba ha ahaatee, xad u yeelista waa in loola qabsiiyaa ilmaha iyo heerka korriinka ilmaha. Waxa kale oo muhiim ah in labada waalid ee ilmaha ay si siman ugu dhaqmaan xad u yeelista.  

Sugidda xad u yeelista mar walba waalidka ma dareensiiso wanaag farxad leh. Iyadoo ku xiran dabeecadda ilmaha, falcelintu waxay noqon kartaa mid xooggan; Ilmaha way qaylin karaan, wax ku dhufaan hareeraha, wax tuuri karaan ama caroon karaan. Si kastaba ha ahaatee, waalidku waa in u dhaqma hab joogto ah oo deggan. Ilmaha waxay xaq u leeyihiin in dareenadooda ay muujiyaan, laakiin xitaa marka ay xanaaqsan yihiin ama niyadjab dareemayaan, waa in aynan wax is yeelin ama qof kale wax yeelin.

The Federation of Mother and Child Homes and Shelters