‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Taageeridda caafimaadka jirka  

Caafimaadka jirka waa fayoqabka jirka. Marka jirka uu dareemo ladnaan, wuxuu qofku dareemayaa tamar badan. Caafimaadka jirka waxaa kor u qaada waxyaabo ay ka mid yihiin jimicsiyo kala duwan, cunto caafimaad leh iyo nasasho ku filan. 

Xitaa doorashooyin yar ee nolol-maalmeedka waxay keenaan is-beddello. Tusaale ahaan, qofku wuxuu dooran karaa jaranjarada beddelka wiishka, ama inuu socdo beddelka isticmaalka baabuurka. Intaa waxaa dheer, qofku wuxuu samayn karaa jimicsi markii ilmahiisa ku ag ciyaarayaan. Sidii uu u ilaaliyo tamartiisa waxaa qofka maalin kasta ku filan nus saac oo jimicsi ah. 

Raashinka nafaqada leh saamayn wayn ayuu caafimaadka jirka ku leeyahay. Sida haddii la cuno raashin cudurrada ka hortaga, farxad iyo adkeysi iyo sidoo kale xakamaynta miisaanka. Raashinka nafaqada leh wuxuu ka kooban yahay waxyaalo badan oo kala duwan, sida khudaarta badan, berry, miraha iyo miraha iniinyada bunshada leh iyo sidoo kale saliidda khudradda, kalluunka, laws.  

Hurdada iyo nasashada ayaa muhiim u ah in jirka uu ka soo kabsado diiqada iyo daalka. Hurdada waxay ilaalisaa difaaca jirka waxayna ka hortagtaa cudurrada. Ku saabsan qoyska waa in laga fekero qaabka loo diyaariyo meelaha la jiifsado. Mararka qaarkood waxaa dhacdo in dhammaan xubnaha qoyska, xitaa carruurta ay isku sariir seexdaan. Mararka kalena waxaa dhacdo in waalidiinta qolal kala duwan ay seexdaan. Mararka qaarkood hal waalid ayaa ilmaha kula seexdaa hal qol, waalidka kalena waxa uu seexdaa qolka weyn ee ilmaha oo uu ku dul seexdo joodari. Mararka qaarna qoyska oo idil hal qol ayay wada seexdaan. Qoys kastaa wuxuu heli karaa xalka qoyskooda ku habboon.