‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Lammaanaha iyo qoyska 

Lammaanaha iyo qoyska waa waxyaabaha nolosha dadka badidooda ugu muhiimsan, sidaas darteedna waxaa habboon in la tixgeliyo jiritaankooda. Ka feker waxa aad u malaynayso in nolol- maalmeed wanaagsani uu yahay iyo qaabka noloshaada aad u qiimaynayso. Ka feker sidii nolol wanaagsan aad saamayn ugu yeelan lahayd. Maxaad lammaanahaaga ka filanaysaa maxaase lammaanahaagu uu kaa filanayaa? Isku fikrad ku saabsan nolol maalmeedka wanaagsan iyo nolol wanaagsan miyaa leedihiin, mise adiga ama labadiinaba ma ku qasban tihiin inaad si joogto ah isku tanaasultaan ama ka tanaasultaan waxyaabaha muhiimka idiin ah? 

Sirta isku xirta xiriirka lammaanayaasha iyo qoysaska ee farxadda leh badi ahaan waxaa weeyaan wada shaqaynta. Qoyska wuxuu si fiican u shaqeynayaa markii xubin kasta la siiyo waqti, tixgelin, ixtiraam iyo dhiirrigelin iyo in qoysku u wakhti wada qaato.