‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Adeegyada badbaadinta carruurta

Sida hadba ku xusan Sharciga badbaadinta carruurta, hadafka ugu wayn ee sharciga laga leeyahay ma ahan in ilmaha laga kaxeeyo qoysaskooda, ee waxaa weeyaan in qoyska laga taageero sidii u qoyskiisa ula noolaan lahaa. Markii ay jirto xaalado aad u daran ama daba dheeraato oo kaliya ayaa arrinta lagu xaliya in ubadka lagu meeleeyo hoy kale.  

Barta internetka lastensuojelu.info waxaa laga akhrisan karaa warbixin dhammaystiran oo ku saabsan badbaadinta carruurta iyo nooca tallaabooyinka taageerada la heli karo, oo ku qoran luqadaha sida af-soomaali iyo af-carabi. Barta internetka waxaa kaloo laga akhrisan karaa warbixin ku saabsan Sharciga badbaadinta carruurta iyo xuquuqda iyo mas’uuliyadaha waalidiinta.