‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Waxyaalaha maanka dooriya

Isticmaalka waxyaalaha maanka dooriya ayaa ku yar bulshooyinka muslimiinta haddii la barbardhigo bulshooyinka kale. Si kastaba ha ahaatee waxyaalaha maanka dooriya ayaa laga isticmaala bulshada dalka Finland. Mararka qaar qof kasta oo dhallinyaro ah, ayaa iyada aan loo eegin asalkooda la kulma xaalad uu qof isticmaalo daroogo ama in qofka da`da yar lagu casumo wax maanka dooriya. Sidaa darteed waa muhiim in waalidiinta iyo dhallinyarada ay helaan macluumaad ku filan oo sax ah oo mawduuca ku saabsan. 

Sida hadba laga soo xigsaday cilmi-baaris, ayaa waxaa ku xusan in waxyaalaha looga hortago falxumada maandooriyayaasha waxaa ka mid ah, in dhallinyarada ay helaan dad waawayn mid wanaagsan oo ay tusaale ka dhigtaan, yeeshaan saaxiibbo wanaagsan oo ay isku hallayn karaan, dhaqdhaqaaqyada wakhtiyada firaaqada oo macno leh iyo in ay helaan kartida lagu maareeyo kadeedka. Tan kale, isticmaalka maandooriyaha waxaa ka hortagi karaa iyadoo la helo aqoon ku saabsan waxyeellada caafimaadkooda. Qodobbada khatarta ee sababa isticmaalka maandooriyaha waxaa ka mid ah saameynta kooxaha saaxiibada iyo caqabadaha caafimaadka maskaxda. Maandooriyaha wuxuu kaloo sababi karaa dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda.

Macluumaad ku saabsan khamriga, xashiishka iyo waxyaabaha maaddada nicotine leh, iyo sidoo kale naseexooyin ku saabsan mowduuca lagala hadlayo dhallinyarada waxaad heli kartaa barta internetka Hadiya project of EHYT ry iyagoo ku qoran luqadaha af-carabiga iyo af-soomaali.  

Ururka SAMHA ry, oo ay aasaaseen soogalootiga oona loogu talagalay soogalootiga waxaad luqado kala duwan ku heli kartaa taageero iyo caawinaad ku saabsan falxumada maandooriyayaasha iyo saamaynta caafimaadka maskaxda ku leeyihiin.