‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Sharaf 

Falalka horornimada/xoog-sheegashada ee sharafta la xiriira waxaa inta badan lagula kacaa gabdhaha iyo dumarka. Waxay inta badan ka dhacaan bulshooyinka ay sharafta qoyska oo dhan ama xitaa qabiilka oo dhan lagu qeexo hab-dhaqanka iyo akhlaaqda shakhsiyaadka. Haddii qofku u dhaqmo si ka soo horjeeda filashooyinka ama mala-awaalka, waxaa loo arkaa inay ceeb ku tahay qoyska oo dhan. Ujeeddadu waa in tan laga hortago iyadoo la xakameynayo laguna ciqaabayo. Isla markaana shakhsiyaadka ayaa laga hor istaagayaa in ay u dhaqmaan sida ay doonayaan – qaabka ay u dhaqmaan oo ka duwan kan bulshadooda ayaa laga hortaga. 

Dalka Finland waxaa shaqsiyaadka la siiyaa fursad ay ku maareeyaan go’aanadooda. Taasoo macneheeda tahay in qof kasta uu u madaxbannaan yahay in uu go’aansado wixii u baran lahaa, samayn lahaa, qaabka u labbisan lahaa, halku u ku noolaan lahaa, qofka uu waqti la qaadan lahaa iyo cidda uu noloshiisa la wadaagi lahaa. Haddii aragtida qofka da`da yar iyo tan waalidka ay kala duwan yihiin, waxaa dhacdo iskahorimaad mana dhacdo  badi ahaan in iskooda ay qilaafka xal ugu helaan. Waxaad caawinaad iyo warbixin arrinta ku saabsan ka heli kartaa Soputyö (Reconciliation work) of Loisto Setlementti ry iyo the Sumer project of the Iraqi Women’s Association (Irakin naisten yhdistys ry). 

Mashruuca At Home in Finland wuxuu soo saaray fiidiyoow ku saabsan xadgudubka sharafta la xiriira kaasoo lagu daawado luqado badan oo kala duwan. Hoos af-carabi iyo af-soomaali ku daawo fiidiyoowga.