‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Waddada iskuul-dhigashada ee dalka Finland

Dugsi-dhigashada dalka Finland ee waafaqsan sharciga waajibka dugsi-dhigashada waa lacag la`aan. Waajibka dugsi-dhigashada wuxuu bilaawda markii ilmaha ay toddoba sano buuxsadaan, wuxuuna dhammaadaa markii ardayga uu 18 sano buuxsado ama kahor ka qalinjebiyo dugsiga sare. Ardayda waajib ku ah dugsi-dhigashada wuxuu xaq ku leeyahay agabyada waxbarashada oo lacag la`aan ah ilaa uu ardayga 20 sano ka buuxsado, waa haddii kahor uusan dugsiga sare ka qalinjebinin. Muddada waajibka waxbarasha waa la kordhiyay, waxayna hirgashay 1:dii agoosto 2021, waxayna quseysaa ardayda dhasheen wixii ka dambeeya 2005. Haddii aad kahor dhalatay waxaa ku khuseeya nidaamka waajibka dugsi-dhigashada ee berrigii hore ku eka dhammaadka dugsiyada dhexe/fasalka sagaalaad.  

Fiidiyoowyada hoose waxaad ka daawan kartaa warbixin guud oo luqado badan ku duuban, oo ka hadlayo wadashaqaynta ka dhexayso qoysaska iyo maamullada iskuullada iyo dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee dalka Finland.