‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Carruurta baahida gaarka leh

Cunug kastaa wuxuu ku horumaraa xawaare u gaar ah, laakiin horumarinta cunug gaar ah wuxuu ku dhacaa waddo shaqsiyeed wuxuuna u baahan yahay taageerooyin kala duwan.  

Mararka qaarkood ayaa waxaa dhacda in hooyada ay dareento astaamaha gaarka ah ee uurjiifkeeda leeyahay, maadaama cudurrada iyo dhaawacyada qaarkood lagu shaacbixin karo baaritaanka qalabka ultrasound. Cillidaha qaarkood durbadiiba ayaa la shaacbixiyaa halka kuwa kalena kaddib markii u u dhashto. Laakiin waxaa kaloo dhacda in astaamaha cunugga u gaarka ah la shaacbixiyo goor dambe. Sidoo markii dhinaca korniinka uusan la jaanqaadi karin ilmaha da`diisa. Qoysaska xaaladahaas ku sugan waxay heli karaan nooc kasta oo caawinaad iyo taageero ah. Xitaa kuwa ilmaha loo siiyo koox saaxiibadeed ahaan. Warbixin ku saabsan waxkaqabadyada waxaad ka heli kartaa rugta hooyooyinka, rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta, iskuullada ama rugta daryeel-caafimaadeedka ku taallo magaalada ama degmada aad deggan tahay.