‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Gaboodfallada iyo xagjirnimada 

Gaboodfallada ay geystaan dhallinyarada ayaa sii kordhaya, tanina waxay walwal gelisaa waalid kasta. Sidee uga hortegi kartaa in cunuggaaga uu ku dhaco fal-dembiyeed? Waalid ahaan maxaad ka qaban kartaa in ubadkaaga u ku kaco fal-dembiyeed?  

Ka tirsanaan-darrada bulshada, takoorka bulshada iyo iskahorimaadka qoyska iyo saaxiibtinimada ayaa astaan u ah dhallinyarada badan ee fal-dembiyeedka ku kaca. Dhallinyarada waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo ay ku kalsoonaan karaan oo khibrad u leh sida arrimahaan wax looga qabto ama looga hortago. Taageeo iyo dhiirrigelin siiya xilliga barbaarinta iyo dugsi-dhigashada. La kulma oona xiseeya waxyaalaha ay ku mashqulsan yihiin. Hirgeliya kalsooni taasoo da`yarka ku dhiirrigelinayso in uu caawinaad weyddiisto goorta uu u baahan yahay. Tan kale, waa in waalidka u da`yarka u muujiyo in uu raalli ka yahay astaamaha shaqsiyaddiisa. Waa in qofka dhallinyarada ah uu aqoonsado uuna u muujiyo dareenkiisa iyo in u baro in ay qaato mas’uuliyadda ficilladiisa.  

Waxaa muhiim u ah in waalidiinta ay ogaadaan halka ay carruurtoodu ku qaataan waqtigooda firaaqada ah iyo cidda ay yihiin asxaabtooda. Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara yeelashada saaxiibada cusub ee badan iyo qarinta halka u socdo iyo saaxiibka u la kulmi doono. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah lacagaha, alaabada/qalabyada iyo dharka cusub aan la ogayn halka u ka keenay.  

Dhowr ururro oo kala duwan waxay wadajir soo saareen xog ku saabsan arrimahaan: Sidee looga hortagi karaa fal-dembiyeedyada da`yarta? Jawaabaha booliiska ee waalidiinta u socoto. Waxaa laysku soo dabariday su’aalaha iyo jawaabaha iyagoo Fiidiyoow taxane ah oo ku duuban luqado badan oo kala duwan HyTe ry:s kanaalaha YouTube (FI, AR, EN).  

Haddii qofka da`da u fal-dembiyeed galo ama aad ka shakisan tahay, weyddii haddii u caawinaad u baahan yahay. Waxaa jiraan noocyo badan oo taageero ah oo la heli karo.  

Haddii aad ka shakisan tahay ama aad ogtahay in qof dhallinyaro ah uu fal-dembiyeed galay, ama uu hab walwal leh isticmaalo maandooriyayaal, waxaad caawinaad kala xiriiri kartaa dhaqdhaqaaqa Ankkuri oo ka hawlgala goobo kala duwan oo dalka Finland ku yaallaan. Maamulka dhaqdhaqaaqa Ankkuri wuxuu sida ugu dhaqsida badan abaabulayaa taageero badan oo loogu talagalay dhallinyarada.  

Xallinta kiisaska fal-dembiyeedyada ee hab-dhaqameedka badanaa waxay qaadataa waqti dheer. Safafka dacwada dhegeysiyada waa dheer yihiin. Tan kale, daahidda maslaxad ugu ma jirto dhibbanaha ama dembiilaha. Magaalada Helsinki waxaa suurtagal ka ah in laga helo qof dhexdhexaadiye ah, kaasoo labada dhinac ee arrinta khuseeyso dhexdhexaadin darteed isugu yeera. Warbixin dheeraad ah ayaa lagu heli karaa luqadaha af-soomaali iyo af-carabi. Fursadda dhexdhexaadinta ee magaalada Helsinki ka sokoow waxay dhallinyarada ka qaybqaadan karaan dhaqdhaqaaqa dhexdhexaadinta ee uu ururka Aseman Lapset ry ka hirgeliyo waddooyinka magaalada.  

Haddii aad ka shakisan tahay ama aad ogtahay in qof dhallinyaro ah uu leeyahay aragti xagjirnimo ah oo uu ka qabo adduunka, kana walwalsan tahay in uu ku lug leeyahay fikir horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan, la xiriir Mashruuca ka bixitaanka oo iskudabaridda Diakonissalaitos. Mashruuca Ka bixitaanka wuxuu kaalin ka geystaa ka bixida dhaqdhaqaaqyada xagjirnimada, wuxuuna ka caawiyaa dhallinyarada inay ka qayb ka noqdaan bulshada.  

Suomen Pakolaisapu ry iyo Aseman Lapset ry mashruuc wadajir ayay la leeyihiin mashruuca Sawian ah, kuwaasoo taageera dhallinyarada halista ugu jira in la takooro, waxayna ka hortagaan in dhallinyarada ay ku biiraan burcadda ama ay noqdaan xagjirayaal. Mashruucu wuxuu taageero siiyaa xubnaha qoyska oo dhan.  

Marka laga hadlayo fal-dembiyeedyada ay dhallinyarada geystaan, waxaa sidoo kale jira hadalo ku saabsan kooxaha burcadda. Maxaa loola jeedaa kooxaha burcadda? Kooxaha dhallinyarada had iyo jeer ma koox burcad baa? Ururka Finland-Somali Association waxaa laga akhrisan karaa mashruuc la yiraahdo Meidän jengi (Gangigayaga), ururka wuxuu ka arrinsada arrimahan iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka kooxaha noocaan xiriirka la leh.  

MEIDÄN JENGI HANKE PODCAST: #1 Nuorten jengiytyminen! Sakkeking x Aitoässä x Al.mehdi