‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Adeegyada qoysaska carruurta leh loogu talagalay

Bulshada dalka Finland waxay siyaabo badan ugu taageertaa qoysaska carruurta leh. Tusaale ahaan, qoysaska carruurta leh waxaa la siiyaa kaalmo-dhaqaaleedka carruurta iyo taageero-dhaqaaleed waalidiinta. Warbixin ka ku saabsan kaabayaasha dhaqaaleed ee qoysaska carruurta leh waxaa laga heli karaa barta internetka FPA (Hay’adda Caymiska Bulshada ee Finland). Taageero-dhaqaaleedyada ka sokoow waxaa jira taageero ballaaran oo ku kooban adeegyo.