‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Xarunta caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka

Xarunta caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka ayaa inta badan ah adeegga ugu horreeya ee qoysaska carruurta leh. Xarunta waa goobta loola xiriiro markii haweenka ay shaacbixiyaan in ay uur leeyihiin. Horumarka uurka iyo caafimaadka hooyooyinka waxaa lagu kormeeraa rugta caafimaadka. Intaas waxaa sii dheer rugta caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka waxay bixisaa warbixin iyo hagid xiriir la leh waalidnimada. Horumarka dhallanka wuxuu bilaabmaa in lala socdo kaddib markii u dhasho. Sidoo kale isla rugta ayaa lagu kormeera caafimaadka xubnaha qoyska oo idil. Kalkaalisada caafimaadka ayaa la xiriiri kartaa haddii aad arrin ka walwalsan tahay ama haddii aad u baahan tahay taageero aad ku gudato nolol-maalmeedkaaga.  

Barta internetka lastensuojelu.info waxaad ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan rugta caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka, taasoo ku qoran luqadaha af-soomaali iyo af-carabi.  

Mashruuca Niitty wuxuu sameeyay Fiidiyoow ku saabsan sida loola socdo xaaladda haweenka uurka leh. Waxaa la heli karaa ereyada hoos ku qoran oo lagu soo turjumay luqado kala duwan.