‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Xiriir-wanaagga

Xiriirka wanaagsan wuxuu noqon karaa mid laf-ahaantaada kugu saabsan. Qodobada xiriirka ugu muhimsan wuxuu kaloo noqon karaan qodobka kalsoonida, ixtiraamka, daacadnimada iyo in midba midka kale u muujiyo rabitaanka in nolosha la wadaago. Nolol maalmeedka mar walba ma ahan mid fudud, sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad haysato qof aad ku kalsoon tahay iyo in mas`uuliyadaha maalinlaha ah si siman loo wadaago. 

Dhammaan xiriiryada aadanaha waxaa mararka qaarkood ka dhex dhaca khilaaf iyo iskahorimaad. Tan ugu muhimsan waxaa weeyaan sida xal loogu helo. Labada dhinacba waa in ay helaan fursad ay ku cabbiraan fikirkooda iyo aragtidooda. Mararka qaarkood mid lammaanaha ka mid ah ayaa ku qancayo in lammaanahiisa u saxsan yahay, mararka kalena xalku wuxuun noqonayaa in la isku tanaasulo. In qof xiriirka lammaanayaasha dhexdhexaadiyo oo xal u helo iskahorimaadka ayaa loo baahan yahay. Qof aan qoyska ka tirsanayn ayaa kaalin ka geysan karo xalinta khilaafka lammaanayaasha dhexyaalo. 

Xiriirka wanaagsan waa in marna u soo jiidan masayr, xaqirnimo, xaasidnimo, tixgelin la’aan ama falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan. 

Fiidiyoowga mashruuca Niitty “Xiriirka wanaagsan maxaa hirgeliya?” qoraal-hooseedyo ayaa luqado badan oo kala duwan lagu heli karaa, sida af-soomaali iyo af-carabi.