‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Itaaldarrada/naafonimada

Sharciga waxaa ku qeexan in qofka lagu tilmaamay in uu itaaldarran/naafo yahay, ay u sabab tahay dhaawac ama jirro muddo dheer darteed, uusan qabsan karin dhaqdhaqaaqyada nolosha ee caadiga ah. Itaaldarranimada/naafanimada waxaa sabab u noqon karo cilladda korniinka, jirro ama shil ama in qofku uu ku dhashay. 

Barta internetka Hilma, oo ah xarunta taageerada loogu talagalay soogalootiga Itaaldarran/naafo ah, waxaad ku akhrisan kartaa luqadaha sida af-finish, af-soomaali iyo af-carabi kuna heli kartaa taageero. Khadka YouTube-ka ee Hilma wuxuu kaloo laga helaa Fiidiyoowyo kala duwan oo ku saabsan mowduucyo kala duwan.