‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Dhaqannada waxyeelada leh

Dhaqannada qaarkood waxay leeyihiin waxyeelo sharci ahaan dalka Finland ka mamnuuc ah. Kuwaas waxaa ka mid ah naafeynta xubinta taranka (FGM), guurka carruurta, guurka qasabka ah iyo falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan oo la xiriira sharafta. Sharciga Guurka, Xeerka Ciqaabta iyo Sharciga Badbaadinta Carruurta ee dalka Finland ayaa lagu dhaqmaa, waxaana hay`adaha arrimahan khuseeyaan waajib ku ah wargelinta fal-dembiyeedyada ay ka shakisan yihiin.  

Waxaad barta internetka lastensuojelu.info ka heli akhrisan kartaa warbixin kooban oo arrimahaan ku saabsan oo ku qoran luqadaha sida af-soomaali iyo af-carabi.  

Amal ry iyo mashruuca VIGOR waxay iska kaashadeen sidii loo soo saari lahaa buugaag ku saabsan gudniinka Fircooniga oo loogu talagalay kooxaha da’da kala duwan. Hoos waxaa ku yaal sawir iyo qoraal-warbixineed oo waalidiinta loogu talagalay.

Buug-yaraha uu soo saaray Isbahaysiga Xuquuqda Aadanaha, ee ku saabsan sida looga hortegi lahaa falalka gudniinka Fircooniga ayaa la heli karaa, isagoo ku qoran dhawr luqadood oo kala duwan. Hoos waxaad ka heleysaa buug-yarahan oo ku qoran af-carabi, af-soomaali, af-finish iyo af-ingriisi.  

Fiidiyoow ku saabsan gudniinka dumarka, oo wadajir u soo saareen Amal ry, mashruuca VIGOR iyo Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka (THL):