‫Ka bood waxyaabaha ku jira

Waalid ku ahaanshada dalka Finland  

Haddii adiga aad dal kale ku soo kortay, waalid ku ahaanshada dalka Finland waxay noqon kartaa mid adag. Bulshada dalka Finland, afka hooyo iyo dhaqamada ayaa laga yaabaa inay aad uga duwan yihiin bulshooyinkii aad berri hore ku noolayd. Si kastaba ha ahaatee, rabitaanka dhammaan waalidiinta, iyadoo aan fiiragaar la siin taariikh-nololedkooda waa isku mid: Rabitaanka in ubadkooda uu ku noolaado nolol ammaan ah oo farxad leh.  

Dadku dalka Finland ku nool way wada siman yihiin, sidoo kale xuquuqda carruurta ayaa loo arka inay muhiim tahay. Waalidiinta waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay si siman u wadaagaan mas’uuliyadda carruurtooda. Carruurta waxaa loo arkaa inay yihiin shakhsiyaad leh awooddooda iyo fikradahooda.  

Barta internetka The InfoFinland.fi waxaa laga akhrisan karaa warbixin ku saabsan carruur ku barbaarinta dalka Finland oo ku qoran luqadaha sida af-soomaali iyo af-carabi