Hyppää sisältöön

Bogga internetka ee Umma.fi waa la furay 

Kusoo dhowoow  bogga cusub ee umma.fi.  Boggaan internetka wuxuu qeyb ka yahay mashruuca umma2 oo ay maal galisay STEA bishii maarso ee  sanadka 2022. Mahruucaan waxuu soconayaa illaa iyo dhammaadka sanadka 2024, boggana waxaan kusoo daabici doonaa xogta inta uu mahsruuca shaqeynayo. Bogaan internetka waxaad ka aqrisan doontaa warbixno iyo macluumaad ku baxayo luqada kala duwan sida luuqada  finishka soomaliga iyo carabiga. 

Hadda waxaan furnay qeybta macluumaadka loogu talagalay qoysaska muslimiinta ah kuwaasoo ka kooban warar, linkiyo, sawirro iyo muuqaallo. 

 Ma jiraan waxyaabo ka maqan boggaan internetka oo aad kusoo kordhin laheyd? 

Ma jiraan waxyaabo ad ka dooneyso warbixin dheeraad ah adiga iyo qoyskaada ? 

Miyey jiraan macluumaad luuqadda badan ku baxayo oo aad soo saartay ama aad haysid oo aad dooneyso in ey dad badan helaan oo lasii faafiyo? 

 Waad nala soo wadaagi kartaa haddii aad haysid si aan ugu soo bandhigno bogga umma.fi. 

Sannadka 2023 waxaan  aruurin doonnaa warbixino ama macluumaad loogu talagalay xirfadlayaasha  la shaqeeyo qoysaska muslimiinta ah. Waxyaabaha ey fiicantahay in aad taqaannid ama aad wax ka ogtahay haddii aad la shaqeyneysid qoys muslim ah, ama qaabilidda qof muslimka aha guud ahaan. 

Haddii aad is weydiiso ama aad ka fikirtay waxyaabahaaas aadna ogeyn qof aad wax ka weydiiso waad nala soo xiriiri kartaa  waadna na weydiin kartaa 

Shaqaalaha ama tiimka UMMA2 , Tanja, Khadra,iyo Iris